Taariikhda duuliyayaashii dumarka soofiyetiga ee Naasigu ka cabsan jireen - BBC News Somali (2024)

Taariikhda duuliyayaashii dumarka soofiyetiga ee Naasigu ka cabsan jireen - BBC News Somali (1)

Xigashada Sawirka, AFP

Dhammaantooda waxay ahaayeen haween da’yar. Dagaalka ay ku jireen waxaa u dheeri ahaa ragga oo ka shakisnaa awoodda kooxdan duuliyayaasha dumarka iyo sida ay ug guul gaari karaan dagaalka.

Duuliyayaasha guutada 588-aad waxaa u suurogashay in ay ku duqeeyaan Jarmalka 23,000 oo bam.

Waxay qeyb muhiim ah ka noqdeen sida uu Midowgii Sofiyeeti uga guuleytay ciidamada Naasiga dagaalkii labaad ee adduunka.

“Ugu horeyn ragga way nagu qoslayeen,” ayey Irina ku tiri wareysi lala yeeshay 1993-dii. Irina waxay aheyd hoggaamiyaha kooxda.

“Markii ay arkeen sida aan bambooyinka u tuureynay, waxay ragga ciidamada cirka ka tirsan noogu yeereen walaallo, kuwa lugtana makhluulq awood badan, halka Jarmalka ay noo bixiyeen ‘Sixirkii habeenka’ ayey tiri Irina Rakovólskaya.

“Siyaasadda Midowgii Soofiyeeti ee xiligaas ayaa fursado isku mid ah oo tacliinta siisay ragga iyo dumarka. Sidaa darteed gabdho badan waxay awood u heleen in ay galaan iskuulada duulista” ayey BBC-da u sheegtay Debbie Land oo ah khabiir duulimaadka.

“Waxaa jiray urur Midowgii Sofiyeeti ahaa oo ragga iyo haweenka da’ada yar ka caawiyay in ay bartaan duulimaadka. Wuxuu ahaa barnaamij bilaas ah” ayey tiri Ln doo ah khabiir duulista.

Marka ciidamada jarmalka ay soo weeraraaan kuwa Ruushka, duuliyayaasha haweenka diyaar ayey ahaayeen.

  • Maxay labada nin ee hubka ku hanjaba ee dunida laga cabsado u doonayaan inay xoojiyan saaxiibtinimadooda

  • Israa'iil oo shaacisay tiro askarteeda ah oo looga dilay Rafax iyo Xamaas oo ka hadashay

  • Xajka 2024: Waxa uu yahay iyo sida uu u shaqeeyo taksiga duula darawal la’aanta ee u adeegaya Xujeyda

Geesiyaaasha dumarka askarta

Taariikhda duuliyayaashii dumarka soofiyetiga ee Naasigu ka cabsan jireen - BBC News Somali (2)

Xigashada Sawirka, WIKIMEDIA COMMONS

Haween badan oo markii dambe duuliyayaal noqoday waxay jaamacadaha ka baranayeen fisikis, xisaab iyo cilmiga xidigaha markii uu Jarmalka soo weeraray Midowgii Sofiyeeti bishii June 22-keedi 1941-kii.

Markaas dowladda waxay dooneysay rag gala dagaalka. Sidoo kale haweenka ayaa loo baahday in ay dagaallamaan.

Dumar badan ayaa waraaqo u soo qoray Marina Raskova oo aheyd duuliye caan ka ah Midowgii Sofiyeeti. Markii dambe qeyb weyn ayey ka qaadatay dhismaha duuliyayaasha dumarka.

Taariikhda duuliyayaashii dumarka soofiyetiga ee Naasigu ka cabsan jireen - BBC News Somali (3)

Xigashada Sawirka, AFP

Marina Raskova waxay aheyd haweeneydii ugu horeysya Midowgii Sofiyeeti ee diblooma ka qaadatay duuliyenimada. Raskova waxaa loo arkayay geesi kaddib markii ay jabisay duulimaadkii ugu dheeraa ee aan joogsan 1938-dii.

Safarkaas taariikhiga ah, Marina Raskova, ma aheyn oo kaliye duuliye balse sidoo kale waxay aheyd khabir safarada iyada iyo labo dumar oo kale.Duulimaad khatar ah ayuu ahaa. Khabiirada duuliyayaasha waxay ku qasbanaayeen ka hor inta aysan diyaaradda degdeg u degin in ay isticmaalaan baarashuut.

Raskova 10 maalmood ayey keymaha qabow ee Siberia ku jirtay iyadoo c*nto iyo biyo yar haysatay.

Raskova waxay aheyd haweeney lagu dayday. Dumar badan ayaa awooday in ay dalkooda u soo dagaallamaan. Ugu dambeyn Raskova waxay la kulantay hoggaamiyihii Midowga Sofiyeeti, Josef Stalin, waxay weydiisatay in ay sameyso ciidamo iyadu ay leedahay oo ka kooban haween duuliyayaal ah. Stalin wuu ka ogolaaday.

Raskova waxay abuurtay guutooyin haween ah kuwaas oo loo bixiyay “Sixirkii habeenka”.

Midowgii Sofiyeet wuxuu noqday dalkii ugu horeeyay adduunka ee u ogolaada haweenka in ay duuliyayaal noqdaan.

Howlgal khatar ah

Taariikhda duuliyayaashii dumarka soofiyetiga ee Naasigu ka cabsan jireen - BBC News Somali (4)

Xigashada Sawirka, getty

Haweenka waxay bilaabeen in ay bartaan Polikarpov Po-2 oo aheyd diyaaradihii xiligaa jiray. Diyaaradda waxaa la sameeyay 1928-kii, waxaana loo isticmaali jiray inta badan tababarada iyo in lagu buufiyo beeraha.

Polikarpov Po-2 waa mid qolofkeedu daciif yahay oo aan culeys aheyn. Halka laga wado waa meel furan sidaa darteed duuliyayaasha ma haysan wax qabowga ka celiya.

“Diyaarad noocaas ah maalinti waxba kuma weerari kartid sababtoo ah khatar weyn ayey aheyd"

“Diyaaradda hub iyo qori kuma xirneyn, kamana hortagi karin diyaaradaha Jarmalka. Marka habeenki oo kaliya ayaa la isticmaali karay, waxay qaadi kareen xoogaa bambooyin ah” ayey tiri Pennington.

Diyaaradda ma laheyn qalab ka caawiya in ay bartilmaameedka si sax ah u duqeyso. Duuliyayaasha guutada 588 waxay fuliyeen howlgal halis ah. Marka ay goobta weerarka u soo dhawaadaan matoorka ayey damin jireen.

Dabka ayaa ka mid ahaa waxyaabaha ay ku aqoonsan jireen fariisimaha ciidamada Naasiga.

Howgalkooda aad ayuu u adkaa sababtoo ah Naasigu waxay adeegsanayeen nalal aad u iftiimaya si ay u carqaladeeyaan bartilmaameedkooda iyo sidoo kale hubka looga hortago diyaaradaha.

Diyaaradaha Polikarpov Po-2 waxay ahaayeen kuwa aan difaac laheyn inta badan waxaa qabsan jiray dab.

“Kaalintooda ma aheyn duqeyn iyo in ay wax burburiyaan. Doorkooda wuxuu ahaa in ay in ay carqaladeeyaan ciidamada Jarmalka ee maalinti oo dhan tababarka ku jiray” ayey tiri Debbie Land.

“Kaalintooda waxay aheyd in ay hurdada u didaan ciidamada Jarmalka si marka subaxi la gaaro ay u daalaan”

Ragga way ka duwanaayeen dumarka. Ma qaadan jirin waqti ay sigaar ku cabaan ama shaah. Marka ay soo caga dhigtaan bambooyin iyo shidaal ayey qaadan jireen hadana hore ayey ka duuli jireen.

Dumarka duuliyayaasha mararka qaar waxay duulijireen 15 jeer habeenkii, way ka duulis badnaayeen ragga sida warbixin lagu sheegay.

23 duuliyayaal dumar ah ayaa la siiyay abaalmarinta geesinimada Midowga Sofiyeeti oo ah tan ugu sareysay dalka.

Taariikhda duuliyayaashii dumarka soofiyetiga ee Naasigu ka cabsan jireen - BBC News Somali (2024)
Top Articles
Latest Posts
Article information

Author: Madonna Wisozk

Last Updated:

Views: 5913

Rating: 4.8 / 5 (48 voted)

Reviews: 87% of readers found this page helpful

Author information

Name: Madonna Wisozk

Birthday: 2001-02-23

Address: 656 Gerhold Summit, Sidneyberg, FL 78179-2512

Phone: +6742282696652

Job: Customer Banking Liaison

Hobby: Flower arranging, Yo-yoing, Tai chi, Rowing, Macrame, Urban exploration, Knife making

Introduction: My name is Madonna Wisozk, I am a attractive, healthy, thoughtful, faithful, open, vivacious, zany person who loves writing and wants to share my knowledge and understanding with you.